Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus

Sheeko: Waxaanu maanta kusoo Qaadanay Qormadan Sheekooyinkii Juxaa Qaarkood.

Juxa iyo Dameer:
Juxaa ayaa dameer uu lahaa suuqa keenay si uu u iibiyo nin doonayay in uu gato dameerka ayaa qabtay seyntii Dameerka, markaasuu haraati ku jiiday, haddana wuxuu fiiriyay ilkihiisa makaasuu dameerkii qaniinay ninkoo xanuunsaday ayaa yiri "juxaayoow cidna dameerkan kaama gadaneyso, juxa ayaa u jawaabay oo yiri "in ay cidi iga gadato uma keenin suuqa, ee markii horeba waxaan u keenay in leyla arko dhibka uu igu hayo aniga!!".

Weli waa Juxaa sheekadiisii, Juxaa iyo nin kii Caqliga Badnaa:

Beri baa waxaA jiray nin kaa Juxaa la yiraahdo maalinmaal- maha ka mid ah ayaa juxaa wuxuu aaday beeraha wuxuuna ka doonay ood tan guriha baadiyaha lagu dhiso ka bacdi wuxu tegay geed dheer dusha uga baxay, wuxuuna is yiri oodi ka goo wuxuu ku fadhiistay laan ka mid ah laamihii uu goynayey ka bacdi nin meesha maraya baa yiri war miyaad waalan tahay laanta aad ku fadhido ha gooyn waad soo dhacaysaaye.

Ka bacdi juxaa dheg uma dhigin ninkii, ninkiina waa iska dhaafay cabaar ka bacdi juxaa dhulkuu ku soo dhacay ilayn laantii uu ku fadhiyey buu gooynayee ka bacdi ninkii wax u sheegayey oo meel halkaas ah siisocda buu ka dabacaday markuu gaarayna ku yiri "war bal kaalay nin wax walba og baad tahay ninkaagan ii sheegay hadan laanta gooyo inaan so dhacayo".

Ninkii waa yaabay markuu juxaa sidaa ku yiri juxaa wuxuu yiri war walaal waxaad ii sheegtaa maalintaan dhimanayo waadigan markii hore iisheegay in aan kasoo dhacayo laanta hadan gooyee, ninkii intuu yaabay buu gartay in uu ninkan nacas yahay markaas buu yiri "waxaad dhimanaysaa marka dameerkaagu qayliyo".

juxaa wuxuu maalintii oo dhan firinayay dameerkiisa afkiisi dameera waa dameer marku dameero arko buu qayliya cabaar ka bacdi dameerkii baa arkay dameero kale oo qaylo ugu qabtay juxaa waati ninkii ku yiri marka dameerkaagu qayliyo waad dhimanaysaa.

juxaa waa u ramaystay sheegadii ninku ku yiri oo wuxuu qaatay maracad wuxuuna aaday xabaalaha dadka lagu duugo isago isleh waad dhimanaysa, wuxuu juxaa dhex seexday xaboolo magalada ka baxsan waxaa meeshi xabalaha agtooda ahayd soomaray dad magaalada ka lunsan oo wayey waday u mari lahayeen waxa arkeen qofkaas xabalaha dhex jiifa waxay is yirahdeen qofkan waydiiya meel magaalada loo maro.

Waxay yirahdeen war qofkaan hurda meesha ma noo sheegi karytaa meel maglaadii naga xigto waa wada habawnaye? markaas baa juxaa yiri markaan aduunka ku noola waxa loo mari jiray wadadaa agtiin ah markaas bay yaabeen oo yirahdeen ninkan miyuu waalan yahay?. wuxuu kawadaa markaan aduunka ku noolaa waxay waydiiyiin wuxuu kalmadaa u leeyahay juxaa wuxuu ragii u sheegay sheekadii oo dhan ka bacdi waxaa yirhadeen sida laguma dhintee ka kac meesha oo ina keen.

Juxaa iyo Xarig:
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Juxa hooyadii ku tiri:hooyo maanta waan Allah baryaya ee lacagtan qaadoo suuqii aad,waxaadna innooga soo iibisaa neef Ari ah?

Juxa intuu suuqii tegay ayuu soo gaday neefkii Ariga ahaa kaddibna wuxuu isku dayay in uu soo qaado,dhib iyo rafaad badan kaddib ayuu keenay isaga oo neefkii sida.

Hooyadii ayaa la yaabtay oo tiri:hooyo maxaa kuugu dhacay,ma waxaad garan weyday in aad suuqa xarig ka qaadatid kaddibna neefka surka kaga xirtid markaana aad soo kaxaysid?

Juxa ayaa yiri:hooyo,hadda ma garan laakiinse marka xiga ayaan samayn doona.

Maalmo kaddib ayaa mar kale hooyadii tiri:hooyo maanta lacagta way innagu yar tahaye bal waxaad inoo soo iibisaa hal xabbo oo digaag ah.

Juxa suuqii ayuu tegay wuxuuna soo gaday digaaggii,dabadeedna wuxuu iibsaday xarig kaddibna surka ayuu digaaggii uga xiray wuuna soo kaxaystay.

Gurigii markuu yimid ayaa hooyadiis aragtay digaaggii oo bakhtiyay markaas bay ku tiri: hooyo maxaad sidan u yeeshay?,Juxa wuxuu yiri:hooyo adiga ayaa i yiri sidaa yeel oo xarig ku soo kaxeey






This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Sheeko khayaali ah.
Qisooyinka Juxaa Qormada 1aad
 
TV Afdheer