Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus

Caafimaadka: Howlgabka Dareenka iyo Galmada Waqtiga Uurka (Sex During Pregnancy)

Dhibaatada kacsiga, oo iyaduna loo yaqaan howl gabka kacsiga wuxuu ku yimaadaa 5 - 10% nimanka da' 40 naadka ah.

 

Da'duna si kala duwan ayay ugu korortaa, sidaasi ayaa 5 ka mid ah 10kii nin ee 70 jir ahba ay la kulmaan heerar kala duwan ee cudurkan. Dhibaatada howlgabka kacsigu inta badan waa dhibaato siyaabo kala duwan ku timaadaa.

 

Cudurkan waxaa ka mid ah oo kale nimanka kacsadaa bilowga hordhaca galmada, hase yeeshee aan sii wadi karin kacsigii muddo ay ku galmoodaan.  Kacsigu wxuu ku bilowdaa isaga oo ku xiran dareen kacsi, markii ay xididada yar yarka ah ee xubinta galmada ninka ay fiddo soona galaan qulqul dhiig ah xubintaasi.

 

Xubinta galmada ninka waa ay weynaataa, haddii ay xididada dhiiggu ay dhiigga ka saaraan xubintaasi, wayna soo ururtaa, markii ay xubintaasi kacdona waa ay weynaataa waana dheeraataa.

 

Cudurkan howlgabka kacsi wuxuu ku yimaadaa iyada oo ay qulqulka dhiiggu soo gaarin ama uusan joogtoobin, ka dibna aad is aragto inaadan kacsan karin ama muddo yar kaliya kacsato.

 

Inta badan xaaladaha cudurkan waxaa sabab u ah cudurro jireedka.Da'du shardi uma aha iney keento cudurkan howlgabka kacsi.Xernaanta xididada dhiiggu waxay hoos u dhigtaa inuu dhiiggu aado xubinta galmada ragga.

 

Cudurkan howlgabka kacsiga wuxuu caadi ahaan ku yimaadaa cuduradan dadka qaba kaadi macaanka, wadna xanuunka, dhiig karka cudurada neerfaha iyo nimanka qalliinka lagaga sameeyay dhibaato kaga timid qanjirada kaadi haysta.Kiniiniga jirka biyaha ka saaraa (diuretics) iyo daawada loo qaataa dhiig karka, suuxdinta iyo buufiska ama buuqa (anxiolytics) waxay keeni karaan cudurka howlgabka kacsiga.

 

Daaweynta cudurka howlgabka kacsiga waxay keensaneysaa ugu horeyntii, in adiga iyo dhakhtarkuba isla baartaan islana cadeysaan, in adiga iyo qofka aad la nooshahay ay wax dhibaato ah ka jiraan noloshiinna, taasoo sabab u noqon kartaa awooddan kaa maqan ama dhibaatadan aad ka sheeganeyso. Waxaa suura gal ah inaad joojiso isticmaalka khamriga iyo inaad joojiso sigaarka.

Wada hadalkaasi ka dib waa in dhakhtarku baaraa inaad ka sheeganeyso cudur aan lagaa daaweyn.  Daawada ugu wanaagsan ee lagu daweeyo cudurkaan baa ah maadada kooxda PDE 5-joojisa, daawooyinkaasi, ku haynaya qulqulka dhiiga xubinta galmada ragga, iyadoo la helayo kacsi ama uu joogto noqonayo.

 

Daawooyinkaasi wax badan kuma kala duwana dhinaca waxtarkooda, waxay shaqeynayaan muddo 4-5 saacadood ama 24 saacadood halkii diyaarin.  Aad bay muhiim u tahay in hoos laga xariiqo, in daawadu ay waxtar leedahay oo kaliya kacsiga galmada , kiniiniyayaashu ma keenaan mar walbaa kacsi.

 

Waa inaad daawada qaadataa ½ ilaa 1 saac inta aadan u tegin xaaskaaga.Ma qaadan kartid kiniiniyaasha, haddii aad qaadato daawooyinka ah nitroglycerine, kaasoo loo qaato wadna xanuunka.

 

Waa caadi ineysan daawadu si xoog ah wax u qaban 6da ilaa 8da mar ee ugu horeysa, waxaa laga yaabaa iney sabab u noqoto in doosaha (Dose) aad u baahan tahay in la kordhiyo, ma isticmaali kartid daawada ugu badnaan hal mar maalintii.

 

Dhibaatada ay daawadu keeni kartaa waa mid iska fudud ama iska gudbeyso, waxaana ka mid ah madax xanuun , waji casaad iyo caloosha oo ku xanuunta.  Waxaa aad u wanaagsan inaad sameysato buug maalmeed aad ku qoreyso waaya aragnimadaada kuugu horeysa isticmaalka daawadan.

 

Dhakhtarku wuxuu kugu caawini karaa inuu ku siiyo talooyin wanaagsan, marka aad la kulmeyso, waxaana waajib ah inaad mar walbaa raacdo nidaamka daawada lagu siiyo.

 

Dhakhtarkaaga wuxuu kuu raadin karaa caawinaad daawadaada ah, haddii aad tijaabisay in kiniiniyadan ay kuu fiican yihiin, isla markaana aad qabto cudur kale aan kan ahayn tusaale kaadi macaan.

 

Waxaa la helay daawo kale oo lagu daaweeyo cudurka howlgabka kacsiga, laakin waa ay ka waxtar yar tahay ama ay ka wanaag yar tahay isticmaalkeeda.

 

Galmada Waqtiga Uurka (Sex During Pregnancy).

 

Maalmahaan, dadku waxay si ka fudud si kasta oo hore uga hadlaan galmada. Si kasta ha ahaatee, dadku mararka qaarkood way ka weji gabxaan iney ka hadlaan galmada iyo uurka waxaana laga yaabaa iney dhibaato ka qabsato iney su'aalo ku saabsan galmada ula yimaadaan takhtarkooda ama kalkaalisada. Sidoo kale, haweenka iyo ragguba inta badan cabsidooda iyo dareemmadooda iyagaa isku qarsada.Haddii kani uu yahay ilmahaagii ugu horreeyey, waxaa laga yaabaa inaadan ogaannin in uurku uu yahay waqti dareenkaaga badalmo uu adiga iyo aabbaha ilmaha isu kiin beddelo.

Waxaa laga yaabaa inaad dareento daal, niyad kacsanaan, farxad, diiqo, rajo, cabsi, hooyonnimo iyo qurux, lur iyo soo jiidasho la'aan. Aabbuhu, dhinaca kale, waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu ku faano inuu ilmo aabbo u noqdo ama uu ka wel welo mas'uuliyado cusub.

 

Waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu adiga iyo ilmaha kobcaya difaac idiin noqdo ama uu ka masayro culeys saariddaada uurka cusub.Isbeddelladaan dabciga waxaa laga yaabaa iney saameeyaan sida uu midkiinba midka kale ka dareemayo iyo rabitaanka galmada. Shayga ugu muhiimsan ma ahan waxa aad dareemeysiin iyo sida aad ugu maleyneysaan inuu xun yahay, ee waa isla wadaagidda dareemmadaas.

Sidaan, ayaad ku sameyn kartaan isbeddello si aad xiriirkiinna galmo uga yeeshaan mid labadiinnaba idiin wanaagsan.Waxaa soo socda qaar ka mid ah jawaabaha su'aalaha ku saabsan galmada ee inta badan dhiba lammaaneyaasha ilmaha filanaya. Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid, ama haddii aad dhibaato galmo aad qabtid waqtiga uurkaaga oo aadan adinku xallin karin, talo weydiiso takhaatiirteenna adigoo kala soo xiriira emailkaan This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .

Inkastoo, laga yaabo inaad u maleyso in su'aashaadu ay tahay mid nooc ah, dadka kale waxay dhab ahaantii qabaan walaac kaas la mid ah.Su'aalaha dhiba haweenka uurka leh● Miyey rabitaannadayda galmadu noqonayaan kuwo yar waqtiga uurka?

Ma jiraan labo haween ah oo dareema si isku mid ah waqtiga uurka. Haweenka badankoodu, uureysigu ma beddelo xiiseyntooda galmada.

Haweenka qaarkoodna, xakamaynta dhalmadu waxay u ahayd carqalad, isla markaana waxaa laga yaabaa inuu uureysigu u yahay waqti xorriyad.

Waqtiyo dhowr ah, haweenka qaarkood ayaa laga yaabaa iney dareemaan iney "luminayaan qaabkooda iyo sida ay u eg yihiin" waqtiga uurka. Qaar ayaa laga yaabaa iney ka fogaadaan galmada, iyagoo dareemaya rabitaankiisa oo aad u yar.

Kuwa kale ayaa laga yaabaa iney doonayaan galmada iney lammaanahooda uga helaan dib u xaqiijinta inuu weli jecel yahay waxayna u arkaan mid soo jiidasho leh.

Haddii aadan xiiso u haynin galmada, kala hadal lammaanahaaga. Waxaa laga yaabaa iney lammaanahaaga ku adag tahay inuu fahmo.● Miyey galmadu wax u dhimi kartaa ilmaha?Suuragal ma ahan in ilmaha ku jira ilmo galeenka wax loogu dhimo galmo sameynta. Biyaha uu ilmuhu ku dhex sabbeynayo, xuubka biyaha celinaya, caloosha, derbiga uur ku jirta, iyo sinaha lafaha leh ayaa ka shaqeeya iney ilmaha ka dhowraan in la dhaawaco.Haddii galmo sameyntu ay lur ama xanuun leedahay, kala hadal takhtarkaada.

Galmada waqtiga uurku maahan badanaa mid xanuun leh.● Ma waxyeello ayey leedahay in la isku biyo baxo (shahwad la isku daayo) waqtiga uurka?Shahwo waxyeello uma lahan ilmaha.● Intee ugu badan ayey galmadu ammaan tahay waqtiga uurka?Inta ugu badan ee aad galmo sameyso adiga ama ilmahaaga idin saameyn meyso, ilaa inaad qabto dhibaatooyin halistoodu sarreyso mooyaane laguuna sheegay inaadan galmo sameynin. Lammaaneyaashu waxay isu tagaan xaddiyo kala duwan waxayna xataa ku kala duwan yihiin bil ilaa bisha kale.

Haweenka qaarkood ma xiiseeyaan galmo muddada saddexda bilood ee ugu horreysa uurka. Tan waxaa laga yaabaa iney ugu wacan tahay daalka iyo isbeddellada ku yimid hormoonnada. Dareemmadaanu waxay badanaa isbeddelaan saddexda bilood ee ugu horreysa markaasoo rabitaanka galmada iyo tamar korortay laga yaabo iney yimaadaan.● Galmo ma sameyn karaa waqti kasta oo uurka ka mid ah?Galmada badanaa waa la oggol yahay inta uu uurku jiro oo dhan ilaa iyo dhowrka toddobaad ee ugu danbeeya. Takhaatiirta qaarkood waxay dareensan yihiin in waqtiga dhowrka toddobaad ee ugu danbeeya, galmadu laga yaabo iney keento dillaac waqtigiisa ka soo hormara oo ku yimaada xuubka.

Takhaatiir badan ayaa dareen xooggan ka qaba jawaabta su'aashaan. Waxaa kuugu wanaagsan inaad raacdid talada takhtarkaaga.

Galmada waa in la joojiyaa waana inaad takhtarkaaga wacdaa haddii:

“ Biyahaagu ay soo burqadaan ama galka biyuhu uu dillaaco“ Uu dhiig hoostaada ka imaanayo, ay ku cun-cuneyso ama dheecaan ka imaanayo“ Aad xanuun hoosta ama uur ku jirta ka dareento“ Uu ilmo galeenku isku soo giigsamayo, isu soo ururayo ama fool waqtigeedii ka horreysa ku qabato.

● Haddii aan lahaa taariikh dhicis dhalid, weli galmo ma sii sameyn karaa?Haddii aad lahayd dhicis, waa inaadan galmo sameynin saddexda bilood ee ugu horreysa ee uurkaaga. Takhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona inaadan raacin baabuur kac-kacaya ama inaadan ka qayb qaadan hawlo jir ahaaneed oo waaweyn ama jir dhis. Xannibaadahaan waxay mandheerta (dhalmada ka dib) ka caawinayaan iney si ku filan ugu kobocdo si markaas uureysi guul leh uu dhaco.

● Cadaadiska waqtiga galmadu wuu i dhibaa laakiin xanuun iguma hayo.Haddii miisaanka lammaanahaagu uu ku dhibayo, in booska la beddelo ayaa caawin karta.

● Aad ayey u adag tahay inaan lammaanahayga kala hadlo sida aan dareensanahay.Marmar, ragga qaarkood jir ahaan "way damaan" waqtiga uurka lammaanahooda. Badanaa dareenku waa iska ku meel gaar, waana inaan loo arag diidmo.

Lammaanahaagu waxaa laga yaabaa inuu qabo walaacyo kale oo xoogaa ah iyo dareemmo isku dhafan oo ku saabsan uurka, kuwaasoo laga yaabo iney ka dhigaan inuu dhaqmo si aan kala jelcaan lahayn inyarna kuu nuglaado. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad ku lug yeelato nolosha gudahaaga ku jirta taasoo laga yaabo inuu dareemo inaadan isaga dan u lahayn. Iskala hadla dareemmadaan.

Su'aalaha dhibaatada u keena aabbayaasha ilmaha filaya.

● Waxaan u baahanahay inaan galmo sameeyo, laakiin ilaa iyo markii ay uurka qaadday lammaanahaygu ma daneyneyso galmo.Tani waxay dhexdeenna ka abuurtaa xurguf.

Maxaan sameyn karaa?Waxoogaa qaab isu samir ah ayaa ah xalka ugu wanaagsan. Ka wada hadla dhibaatooyinka iyo dareemmada.

Galmo sameynta inyar ama helidda wax la isaga jabiyo oo u baahan ka qayb qaadasho yar oo dhinaceeda ah ayaa laga yaabaa iney xal noqoto.

Mararka qaarkood haweenka way ku adag tahay iney dareemaan galmo markaasoo aysan dareensanayn inuu ku habboon yahay. U sheeg iney weli tahay mid soojiidasho leh lana jecel yahay iyadoo caloosheedu weliba soo buuran tahay. Tan waxaa laga yaabaa iney kordhiso xiiseynteeda galmada.

● Markaan dareemo ilmaha oo dhaqaaqaya annagoo galmo sameyneyna, waxay dhammeysaa xiisaha aan u hayo galmada.Waxaa laga yaabaa inaad ka wel welsan tahay in laga yaabo in ilmaha aad waxyeeshaan. Ilmuhu si wanaagsan ayuu u dhowran yahay isla markaana haraatida iyo is rogiddu shaqo kuma lahan hawshaada galmada.

 

Haraatida ilmuhu waxaa laga yaabaa iney ku xusuusiso doorka lammaanahaaga ee sidii hooyo oo kale. Waxaa laga yaabaa inaad u dareento sidii qof saddexaad oo la socda galmadiinna. Waxaa laga yaabaa iney idin caawiso inaad isku daydaan boos kale si markaas aadnaan u dareemin dhaqaaqa ilmaha.

 

 

Xigasho: SomaliDoc

 
TV Afdheer