Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Itoobiya.

Idaacadda BBC laanta afsoomaaliga ayaa sii deysay wareysi ay la yeesheen wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom waxaana la weydiiyey Soomaaliya xaslilooni darrida ka jirta saameyn ayey ku yeelatay dalalka deriska la ah oo ay Soomaaliyana hadda kusoo noqonayso xasiloonidii maadaama Itoobiya ku yaalo gobol ay dad soomaali ah leeyihiin ma filayasaan in wax iska baddelaanxiriirka idin kala dhaxeeya gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya ?

wuxuuna ku jawaabay " Haa, Itoobiya nabad ayey u baahan tahay nabad ka dhacda soomaaliya waxay la mid tahay nabad ka dhacda Itoobiya iyo dhibaatada gobolka Soomaalida dalka Itoobiya waxaan u haysanaa inay tahay mid gudaha Itoobiya ah iyo mid dibadda ah labadaba waxaan isku dayeynaa inaan wax ka qabanno".

Horeba waxaan heshiis ula gaarnay jabhadda ugu weyn ururka Onlf in aan wadahadalnno oo dhibaatada xal nabadgeliyo oo waara loogu dhammeeyo laakiin waxaan leenahay nabadda Soomaaliya waaxay ka qabaneyso dhibaatada gudaha ee dalka Itoobiya waa mid yar ee arrinta muhiimadda koowaad leh waa midda gudaha in la xalliyo.

Mar weriyahu weydiiyey in ay dadka muslimiinta Itoobiya ay ku qeylinayaan in la illaaway ayuu kaga jawaabay wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya "Ma filayo in la illaaway dowladeenna iyo dastuurkeenna diin kuma dhisnna waxaanan qadarrinaa kala duwanaanshaha dadka diimaha, su`aalo badan oo ku saabsan arrimahaas qaranna dastuurka ayaa ka jawaabay laakin arrinta hadda taagan waa mid dadka qaarkood ay arrin siyaasadeed ka dhigayaan mid diineed arrintaasna annaga iyo muslimiintuba hore ayaan u bilownay.



 

 
TV Afdheer