Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus

Madaxweyne faqiir ah + VIDEO

Jose Mujica waa madaxweynaha waddan Urugway wuxuu ku nool yahay duleedka magaalada caasimadda ah ee Montevideo waxay isla nool yihiin xaaskiisa madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa la sheegay inay yihiin kuwo faqiir ah.

hantida Madaxweynaha ayaa lagu sheegay beer yar oo uu ku leeyahay halka uu deggan yahay, aqalka uu ku nool yahay madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ahaa mid COWS ah wuxuuna saqafka ka baddeelay dhawaan intii uu noqday sanator.

Jose 1995tii ayaa loo doortay xubin baarlamaan wuxuuna noqday madaxweyne 2009kii sida ku cad warbixinta wuxuu mushaarkiisa ugu deeqaa hay`adaha samafalka waxaa kale oo la xaqiijiyey inaysan jirin hanti u taal Bank.

Madaxweynaha ugu faqiirsan madaxweynayaasha aduunka ayaa leh beer yar, laba baabuur 1987dii, 3 cagaf nooca beeraha, hantida madaxweynahan ayaa guud ahaan lagu qiimeeyey 215, 538.46 Doolar.

Dim lights

 
TV Afdheer