Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus

Dood ku saabsan mamul u sameynta Jubaland State- VIDEO

Doodan oo dhax martay Afhayeenka maamulka ku meel gaadhka ah ee Jubaland State ahna madaxa arrimaha bulshada ee maamulkaas Dr. Cabdinaasir Seeraar iyo Ibraahim M Ebrow wasiir hore oo Soomaaliya. 

Dim lights

Afhayeenka maamulka Kmg ah ee Jubbaland ayaa sheegay in ay gabagaba tahay maamul sameynta saddexdan gobol sidaasna ay ku heshiiyeen dadka deegaanku.

Shirka waxaa qabanqaabinaya dadka Soomaaliyeed ee jubaland dega howshiisanaa wada iyaga kharajkana waxaa bixinaya ganacsadayaasha deegaanka, maamulka Kmg ah ee jubalanad State, shiqsiyaal sidaas waxaa yiri Cabdinaasir oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayaan ayna doonayaan inay qeybteeda ka qaadato shirkan.

IGAD way mahadsan yihiin gaar ahan Itoobiya iyo Kenya waxay doonayaan in ay Soomaliya xasisho si ay u dhammaato dhibtii soo jirtey, waxayna xagga nabadgaliyada iyo farsamada kala sheqeyn doonaan sidii ay dadka deegaanku u qabsan lahaayeen shirkan ay ku doonayaan inay maamul goboleedka n ku sameystaan ayuu si raaciyey Cabdinaasir Seeraar Afhayeenka Maamulka Kismaayo.

Cabdinaasir ayaa sheegay in la sugan nabadgeliyada magaalada Kismaayo shirkuna sidii loogu talo galay u dghici doono inshaa allah.

Wasiir hore Ibrow ayaa doodiisa ka hor taariikh kooban ka bixiyey saddexda gobol ee jubbooyinka wuxuuna sheegay in beesha uu kasoo jeedo oo Saakow degta aan lagu marti qaadin shirkaas, wuxuuna sheegay 1911kii in ay yimaadeen dadka deggan jubbooyinka dagaallo ka dhacay gobollada kale.

Wuxuuna sheegay in dadkii degganaa xoog lagu qabsaday oo la leeyahay maamul baan dhisaynaa.

 

 

 
TV Afdheer