Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus

Diyaarado qaaday ergooyinkii jubbada hoose iyo jubbada dhexe-(HEESO WADANI AH).

Dhoobley (Afdheer) Ergadii ugu dambeysay oo ka duulay magaalada Dhoobley oo ka tirsan gobolka jubbada hoose iyagoo kusii jeeda magaalada Kismaayo oo uu shirku ka furmayo maanta 28.02.2013

Dim lights

Qaar kamid ah Odayasha dhaqanka ee beesha Ogaadeen ayaa ka dhoofay dhoobley si ay uga qeybgalaan shirka waana ergadii ugu dambeysay ee shirkaas ka qeybgalaysa lagana qaado Dhoobley.

Diyaaradda koowaad waxay qaaday odayaal ay kamid yihiin Suldaan Cabdulaahi Cali sokor, Cumar xuseen, xayi barkhadle iyo Cali Dheere.

Diyaaradda labaad ayaa qaaday Ugaas Ibraahim Cali, Ugaas Cumar Xiirey, Nabadoon Cabdikariim Cismaan iyo X-Xildhibaan Sheekh Cabdi Yuusuf. Ergooyinkii hore usii joogay Kismaayo waxaa kamid ahaa nabadoon Maxamed Xuseen Keynaan, Maxamuud Xasan Dhogor iyo odayaal kale.

Dim lights

Laba diyaaradood ayaa ergooyinka ka qaaday maanta Dhoobley waxayna tani yilmaan u tahay sida ay dadka ku dhaqan jubbada hoose iyo jubbada dhexe uga go`an tahay dhismaha maamul goboleedka jubaland State.

Dim lights

Ergooyinka ka qeybgalaya shirka ayaa safarkooda u adeegsanaya diyaarado iyo baabuur.

Kismaayo waxaa hore ugu sugnaa Odayaal dhaqameed iyo ergooyin badan oo ka qeybgali doona shirka maamul u sameyta ee la filayo inuu furno galabta magalada Kismaayo.

Dhobley

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

afdheer.com

 

 
TV Afdheer