Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus

Shirkii maamul u sameynta jubaland state oo furmay- VIDEO

Kismaayo (Afdheer) Waxaa si rasmi ah u furmay shirweynihii gobolada jubbooyinka iyo Gedo wuxuuna ka furmay jaamacadda Kismaayo iyadoo ay kasoo qeybgaleen tiro ku dhow 400 ergo ah.

Shirka waxaa furay guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka maamul u sameyta Juabaland State Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud oo sheegay in uu shirku furan yahay maantana ay tahay maalin taariikhi ah kadib markii 4 sanno qabanqaabada shirkan lagu guuleystay in la furo maanta, wuxuuna sheegay in la sugayo ergo ka iman doonta dowladda Soomaaliya iyo kuwo kaleba.

Dim lights

Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) madaxa maamulka kumeel gaarka ah ee jubalans state oo isna kamid ahaa dadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay dowladda Soomaaliya kaalinteeda kaga aadan shirka ay qaadato, wuxuuna ergada ka codsaday inay dhistaan maamul ay iyagu raali ka yihiin kuna doortaan ruuxii ay doonaan.

Dim lights

Shirka oo lagu qabtay halkii loogu talo galay oo aad loo xardhay ayaa waji deggan ku furmay iyadoo ay ergooyinka kasoo qeybgalay wajiyadoodu ka muuqata farxad iyo muuqaal qurxoon.

Gudiga qaban-qaabada iyo guddiga farsamada ayaa furay shirka waxaana khudbado ka jeediyey qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee jebaland, culimo, siyaasiyiin iyo ergooyin kamid aha dadkii kasoo qeybgalay shirka.

Afhayeenka maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubaland Dr. Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay inay jiraan ergooyin aan weli soo gaarin madasha shirka oo iman doona dhawaan.

Abniga Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey waxaana heegan la galiyey ciidamada abniga iyo kuwa AMISOM-Kenya gud ahaan magaalada Kismaayo, gaar ahaan qeybta loogu talo galay inay sugan abniga goobaha shirku ka dhacayo iyo zone-ka ergooyinku kaga sugan yihiin Kismaayo.

Muuqaalka shirka waxaa laga daawan doonaa TV-yada caalamka iyo kuwa Soomaalida maanta illaa cawa.

 

 

 

 
TV Afdheer