Guddiga farsamada oo ka hadlay...
... [Wada akhri...]
Kismaayo (Afdheer) Shalay ayey aheyd markii uu si rasmi ah u furmay shirkii maamul u sameysta gobolada jubaland wuxuuna shirkaas oo daahfur ahaa socday qiyaastii 4 saac oo lagaga hadlay furitaanka shirka iyo ujeedadda shirka.
Lama sheegin xilliga uu ku egyahay shirku, sidoo kale shirka waxaa ka maqnaa ergo la filayo inay kasoo qeybgali doonaan maamlinta berito ah oo SABTI ah oo maamlintii labaad ee shirku halkiisii kasii socon doono maadaama maanta oo Jimce ah la galay nasashada jimcaha.
Kismaayo waxaa buuxdhaafiyey ergooyin iyo dad badan oo booqasho ku yimid si ay ula socdaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Kismaayo iyo guud ahaan goboladan.
Dhanka abniga ayaa aad loo adkeeyey waxaana magaalada soo galay ciidamo farabadan oo loogu talo galay xoojinta abniga magaalada si loo sugo ammaanka ergooyinka iyo xasiloonida magaalada shirku ka socdo waxaana jira diyaargarow laga dareemayo ciidamada ku sugan Kismaayo oo la filayo inay dhawaan u bixi doonaan duulaan ballaadhan.
Dhanka kale, Sheekh M.M. Aw-libaax kana mid ah saxeexayaasha jubaland oo ku sugan Garbahaarey xarunta gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in shirku Khamiis oo shalay aheyd furmay si rasmi ahna u furmay lana socdaan furitaankiisa isaga iyo wafti ballaaranna ay ka qeybgali doonaan shirka, Aw-libaax ayaa sheegay in shirkii reer Gedo uga socday Garbahaarey kusoo dhammaaday guul iyo isfaham iskuna raaceen dhammaan in si buuxda looga wada qeybgalo shirka maamul usameynta gobollada jubbooyinka iyo Gedo.
.
