Guddiga farsamada oo ka hadlay...
... [Wada akhri...]
Nairobi (Afdheer) Tan iyo markii la magacaabay ra`iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Dr. Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) wuxuu dhowr jeer ka jawaaabay su`aalo laga weydiiyey arrimaha maamul u sameynta jubaland state wuxuuna kaga jawabayey xukuumaddu waxay tixgalineysaa rabitaanka dadka.
Ra`iisul wasaaraha ayaa mar kasta oo la weydiiyo arrimaha maamul u sameynta ee ay doonayaan dadka reer jubba kaga jawaabayey dowladdu waxay tixgalineysaa mar walba rabitaanka shacabka deegaan kasta oo ay shacabku iska dhax doortaan cidii hoggaan u noqon laheyd dowladu wey soo dhaweynaysa rabitaanka shacabka.
Ra`iisul wasaaraha ayaa wareysigii ugu dambeeyey ku sheegay in ay tixgalinayso dowladdu rabitaanka shacabka jubbooyinka iyo Gedo sidoo kale wuxuu ra`iisul wasaaruhu wareysigii ugu dambeeyey ku sheegay in ay jiraan laba deegaan oo illaa hadda u diyaarsan maamul goboleed kuwaasoo loo fasirtay inuu ula jeeday jubaland state iyo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Isku soo duboo Ra`iisul wasaare Dr. Saacid oo hadda dastuurka cusub ee Soomaaliya ku heysta awood badan ahna shaqsi aqoon fiican u leh deegaanada doonaya in maamulkan sameystaan ayaa u muuqda mid aan ka leexan waddadii uu jideeyey saaxiibkiisii ka horreeyey prof. Cabdiweli M. Cali Gaas ra`iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Dadka reer jubaland ayaa si weyn u taageeray markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya prof. Xasan Sheekh Maxamuud "Gurguurte" iyo ra`iisul wasaraha uusoo magacaabay Dr. Cabdi Faarax shirdoon "Saacid" inkastoo shaki weyn ka dhashay khud la sheegay inuu madaxweynuhu ka jeediyey mar uu safar ku marayey Baledweyn, shakigaas oo keenay is-afgaranwaaga illaa hadda ka jira madaxweynha iyo reer jubaland.