Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus

Shirka maamul u sameynta jubaland oo halkiisii kasii socon doona 5ta maarso 2013.

Kismaayo (Afdheer) 28 Bishan waxaa si rasmi ah u furmay shirkii maamul u sameynta jubaland waxaana lagu guda jiraa howl ballaadhan oo bilaaabatay maanta oo sabti ah si ay shirka u fadhiistaan ergada degmooyinka 15ka degmo ah maalinta talaadada oo ay kasoo qeybgali doonaan wafuud badan.

Odayaasha dhaqanka ee beelaha jubbooyinka iyo Gedo ayaa bilaabay soo gudbinta magacyada ergooyinka degmooyinka jubaland si xubnaha loogu talogalay degmo waliba ay u fadhiistaan marka ugu horreysa ee uu furmo shirku.

Sidoo kale waxaa barbar socda xulista xubnaha baarlanaanka state-ka si loo gudbiyo sida ugu dhaqsaha badan maadaama shirkani ay dadka deegaanku bixinayaan kharajka ku socda ergooyinka shirweynaha.

Waxaa xusid mudan in ay jifooyinka qaarkood qeybsadeen qeybtii ay ergo iyo xubnno baarlaman u heleen kuna talo jiraan inay gudbiyaan beri.

Shirka ka furmay Kismaayo waxaa si ikhyaari ah u qabsaday dadka deegaanka waxay ku doonayaan inay sameystaan maamulkii bedeli lahaa maamulka kumeel gaarka ah ee hadda ka jira deegaanada laga xoreeyey Shabaab. dadweynaha iyo madaxda jubaland waxaa ka go`aan ah in ay dhammeystiraan maamul u sameynta jubaland state maalmaha soo socda taasoo guul u ah dadka deegaanka, dowladda Soomaaliya iyo IGAD gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya.

 

 
TV Afdheer