Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus

Maxaad kala socotaa Doorashooyinka dalka Kenya (By Bishar Haji).

Dalka Kenya ayaa laga hirgeliyay nidaamka axsaabta badan mudda laga joogo 20labatan sano, Doorashadii ugu horeysay ayaa dalka lagu qabtay sanadka markuu ahaa 1991-dii, waqtigaas oo uu doorashada ku shubtay keligii-taliyihii dalka xukumayay Madaxweyne Arab Moy.

Doorashooyinka dalka Kenya oo 5santii sanaba mar la qabto ayaa tani waxay noqoneysaa doorashadii 5shanaad iyada oo lagu soo dooran doono hogaankii dalka hagi lahaa 5shanta sano ee soo socota haduu Allah idmo.

Guud ahaan doorashooyinkii dalka lagu qabtay ayaa waxaa hareeyay rabshado, haba ugu darnaato tii ugu dambeysay ee la qabtay sanadku markuu ahaa 2007-da, waqtigaa oo uu dalka ku sigtay inuu gabi ahaanba burburo.

AXSAABTA IYO ISBAHEYSIYADA KU TARTAMAYA
Waxaa doorashooyinkan ka qeyb gelaya, Axsaab iyo isbaheysiyo aad u badan oo inta badan ku saleysan Qabaaillada dalka ku dhaqan, waxaana adag in la helo tiro sax ah, iyada oo ay dhici karto inay jiraan axsaab aan diiwaan gashaneyn oo hadana doorashooyinka ku jira oo gacansaar la ah axsaab kaloo sharci ah ama diiwaan kashan, sidoo kale waxaa jira axsaab loo yaqaano boorsa-ley oo aan xafiis iyo bar loogu hagaago toona laheyn oo hadana doorashada ku jira.

Warbixinno ka soo baxay xafiiska diiwaan gelinta Axsaabta ayaa sheegaya in tirada axsaabta dalka lagu qiyaasi karo ilaa 56 Xisbi,
Waxaa jira hadda 4afar isbaheysi oo ah kuwa ugu tunka waaweyn oo ay ku kulansan yihiin ilaa 20 xisbi, kuwaas oo kala ah:
a- Coalition for Reform and Democracy
b- Jubillee Coalition
c- Eagle Coalition
d- Amani Coalition

MURASHAXIINTA U TAAGAN JAGADA MADAXWEYNAHA
Ilaa iyo hadda waxaa jagada madaxweynaha isu soo sharaxay 8siddeed Musharax. Inkasta oo ay musharraxiintu badan yihiin hadana tartanka waxuu u dhexeeyaa 2labada nin ee kala hogaaminaya, 2Labada isbaheysi ee ugu cad-cad doorashadan oo kala ah, isbaheysiga Coalition for Reform and Democracy oo uu hogaaminayo Raila Odinga iyo Jubillee Coalition oo uu isagana hogaaminayo Uhuru Kenyatta.

RAILA ODINGA
2labadan nin ayaa ka soo kala jeedaan 2laba qoys oo si weyn dalka looga yaqaano islamarkaana caan ku ah siyaasadda dalka, waxaa lagu tilmaami karaa labada waalid ee 2labadan nin pilotyadii ama duuliyayaashii siyaasadda dalka Kenya, muddo aad u dheer.

Odinga waa siyaasi go'goay oo siyaasadda dalka ku soo jiray muddo ka badan 20labaatan sano, soona qabtay xilalka wasaarado kala gedisan, waxaa u sii dheer inuu weligiis ahaa xibin barlamanka ka tirsan islamarkaana ka tirsan jiilka loogu yeero "jiilka xoreynta 2labad", waxuuna qeyb libaax ka qaatay isbedelledii dimuqraadi doonka ahaa ee uu dalka soo maray.

Odagii dhalay Odinga waxuu ahaa siyaasi rug cadaa ah, waxuuna noqday madaxweyne ku xigeengii ugu horeeyay dalka Kenya, markuu xornimada qaatay.

Isku soo duub, Raila Odinga waxuu ahaa muwaadinkii ugu horeeyay oo si cad u mucaaraday keligii taliya Moy, sidaa darteed waxay keenyaanku ugu yeeraan,"aabaha isbeddelka iyo islaaxa dalka Kenya"

UHURU KENYATTA
Uhuru Kenyatta waa nin dhaxlay jaanisyadii siyaasadeed ee uu ka tagay aabihii oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyaya dalka Kenya, islamarkaana ah halyey u soo dagaalamay xoriyadda dalka Kenya. waxuu hogaamiye u ahaa dhaqdhaqaaqii la opran jiaray, "maw-maw", waxaa loogu yeeraa, "aabaha aas'aaska dalka",.

Uhuru waa nin ku soo barbaaray biia ama xaalad siyaasad laga soo bilaabo maamlinkuu dhashay ilaa maanta, waxuuna ahaa mid la socda oo garab taagan goob walba Aabihii, laakiin waxuu asagga shakhsiyan siyaasdda si toos ah u soo galay sagaashmeeyadii qarnigii la soo dhaafay, ka dib marki uu madaxweyne Moy u soo sharaxay inuu noqdo xibin barlaman, Hadana Wasiir, asaga oo islamarkiiba hadana u soo sharaxay inuu kala wareego Jagada Madaxweyne-nimada sanadka markuu ahaa 1997-dii.

Inkasta oo uu Madaxweyne Moy Uhuru u diyaariyay inuu dhaxlo, asaga oo eegaya xisaabaad badan oo ka dhexeeyay asaga iyo Uhuru abihii Kenyatta iyo guud ahaan Qoyska reer Kenyatta, Hadana Uhuru kuma guuleysanin doorashadii waagaas, waxaana ka badiyay madaxweynaha hadda talada haya.

WAX YAABAHA SAAMEYNTA KU YEELANI KARA DOORASHADA
waxaa jira asbaabo badan oo saameyn ku yeelan kara doorashada maamilka maanta ah loo dareerayo, gaar ahaan natiijada iyo dhanka guulaha, asbaabahan ayaa u qeybsama, kuwa gudaha ah, kuwa dibadda ah, iyo qaar la xiriira shakhsiyadda murashaxa la dooranayo.

waxaa lagu soo koobi karaa sida soo socota:

QABYAALAD
A-Qabyaaladda oo aad ugu badan dadka keenyaanka ah, waa sababka ugu weyn ee saameynta ku yeelan kara amaba saameyn ku leh doorashooyinka dalka Kenya iyo guud ahaan geedi socodka siyaasadda guud ee dalka.

INTERNATIONAL CRIMINAL COURT

b- Maxkamada dambiyada caalamiga ah oo doon'dooneysa mid ka mid ah murashaxiinta ugu cad'cad iyo weliba ku xigeeykiisa, waa Uhuru Kenyatta. Murashaxan iyo ku xigenkiisa iyo rag kaloo badan waxaa lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen ama maal geliyeen rabshadihii dalka ka dhacay doorashooyinkii hore ee 2007-da, rabshadahaas oo ay dad badani ku wax yeeloobeen, hanti badanna ku burburtay, dalkana qarka u saaray inuu noqdo Soomaaliya 2two. Rabshadahaas waxaa nafwaayay dad kor u dhaafaya 1200 oo ruux.

Qodobkan la xiriira Maxkamadda caalamiga ah, ayuu mid walba oo kamid ah labada dhinac ee ugu cad-cad doorashada u isticmaalayaa borobagaando, si uu mid walba u soo jiito codadka dadweynaha.
Tusaale, dhinaca la doon'doonayo waxuu ku doodayaa inuu beri ka ayahay dembiga lagu tuhmayo, islamarkaana eeda la xiriirto arimo siyaasadeed, sidoo kale in waqtigaas ay rabshaduhu dhecayeen raggii is hayay oo kala ah, Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha aan magacyadooda lagu soo darin dadka ay maxkamaddu doon'dooneyso, sidaasi darteedna ay iygau yihiin dulmanayaal u baahan in shacabka u hiiliyo.

halka dhinaca kale ay ku doodayaan inay khalad tahay in la doorto rag dambiilyaal ah oo ay maxkamadda caalamiga ah doo' dooneyso, islamarkaana hadii la doorto siyaasadda dalka dhib u keeni kara, sidaas darteedna ay mudanyihiin in ayaga loo codeeyo.

JIILKA XOREYNTA 2LBAAD
c- waa koox aqoonyahanno islaaxiyiin casri ah oo loogu magac daray, "jiilka xoreynta labaad" oo u ol oleeya in dalka laga hirgeliyo dimuqraadiyad dhab ah iyo siyaasado fur furan, kooxdan waxaay isu arkaan in iyagu mudan yihiin in loo dhiibo hogaanka dalka, islamarkaana aan loo baahneyn dadkii hore ee lagu soo daalay, ama aaminsan siyaasada gaboobay oo aan la qabsani karin casriga cusub.

CAALAMKA
d- Beesha caalamka ama sida saxda ah Reer galbeedka oo ilashanaya danahooda u gaarka ah ayaa iyagun leh saameyn ballaaran, iyaga oo wax waliba ka hormarinaya masaalixdooda gaarka ah, islamarkaana u maraya wadda kasta, ha noqoto, maxkamadda caalamiga ah ama xuquulqul insaan ama waxyaaba kele oo ay ku xalaashadaan faragelinta dalalka tabarta daran.

TAARIIKHDA MURASHAXA
e- CV-yada murashaxiinta oo mar hore shacabka loo soo bandhigay, ayaa iyana saameeynteeda leh, inkasta oo uu murshax walba is dahirayo oo sheeganayo inuu leeyahay taariikh wacan iyo inuu dalka wax u soo qabtay, hadana waxaa hubaal ah in shacabka Kenya oo inta badan tacliin sare leh ay fahmi karaan cidda u qalanta hogaaminta dalka, laakiin sidaa horay u soo xusnay waxaa miisaanka rogaya qabyaaladda oo aad u dilootay shacabka kenya, si lamid ah Soomaaliya.

Muslimiinta
Muslimiinta ku dhaqan dalka Kenya ayaa waxaa lagu qiyaasaa 30%. Inkasta oo uu khilaaf ka jiro tirada dhabta ah ee Muslimiinta dalka kenya, islamarkaana ay ku doodayaan in tirakoobka lagu dulmiyay, hadana ma jirto cid inkirsan ama diidana saameynta dhan walba ah ee ay Muslimiinta ku leeyihiin dalka Kenya.
Guud ahaan Musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne nimada, gaar ahaan 2labada nin ee ugu cad cad, waxaay ku dadaalayaa qancinta muslimiinta iyo inuu mid walba helo taageerada Muslimiinta.
Doorashadii ugu dambeeysay ee 2007-da ayaa si rasmi ah loogu agaday awooda siyaasadeed ee muslimiinta, ka dib marki uu guuleystay dhankii ay u codeeyeen, laakiin maanta waxaad moodaa inay ku kala qeybsanyihiin dhanka loo codeynayo.

Dhanka muslimiinta waxaa doorashadan ka qeybgalay murashaxii ugu horeeyay oo Muslim ah taariikhda dalka Kenya, mana muuqato inay si wada jir ah ugu codeynayaan, maadaama dadka Muslimiinta aysan laheyn aragti mideysan, laakiin haduu guuleysto iyo hadii kaleba, waa taariikh wanaagsan iyo guul ay gaareen dadka Muslimiinta ah.

Mudane Mucalim Muxammed Diidaa, waa nin muslim ah oo diinta ku ad adag, waxuu bare ka soo noqday dugsi-sare,sidoo kale waa nin u dhaqdhaqaaqa dhanka dacwada iyo tacliinta. Waxaa la tuhmayaa inuu ka gaabiyay ol'olaha doorashada lamana filayo inuu meel wanaagsan ka gaaro doorashadan maanta loo dareeray.

DHANKA SOOMAALIYA
Dhinaca siyaasadaha dalka Kenya ee ku wajahan dhanka soomaliya, lama filayo inuu jiri doono wax isbeddel ah. Guud ahaan shacabka iyo axsaabta kala gasisan waxay ka mideysan tahay taageerana u hayaan, siyaasadaha dowladda hadda jirta ee ku aadan nabad ku soo dabbalidda dalka Soomaaliya, sidoo kale guud ahaan axsaabta iyo shacabka ayaa taageero kal iyo laab ah u hayaa ciidamada Kenya ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.

GUNAANAD
Sikastaba ha ahaato, waxaa la filayaa in doorashooyinkan ay si nabad ah ku dhamaadaan, waxaa jira wacyigelin iyo diyaargarow badan iyo weliba ciqaabo adag oo la soo rogay si looga hortago inay dhacaan shaqaaqooyin, waxaana muuqata in darsi lagu qaatay tii dhacday doorashadii hore oo ilaa iyo hadda ay jiraan muwaadiniin qaxooti ku ah dalka gudihiisa, sidoo kale, maxkamadda caalamiga ah ayaa ku raad joogta dad badan oo lala xiriirinayo dhibkii dhacay, taasoo keeneysa in dib looga joogsado wixii keeni kara in berri lagugu ceersado.Intaa marka laisku daro, waxay ka hortagayaan inay soo noqdaan mar kale shqaaqooyinkii 2007.


Bishar Haji
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
 
TV Afdheer