Guddiga farsamada oo ka hadlay...
... [Wada akhri...]
Garissa (Afdheer) Guud ahaan dalka Kenya waxaa si rasmi ah uga bilowday doorashadii la sugayey ruux waliba oo Kenyan ah wuxuu xor u yahay inuu doorto shaqsiga uu doonayo inuu hoggaamiyo bulshada wuxuuna doornayaa 6 ruux madaxweyne illaa koonsalaha.
Doorashadan ayaa ah mid si deggan u billaabatay illaa haddana u socota si habsami ah waxaana tuuloouinka iyo magaalooyinka waaweyn ee Kenya ka socda doorashada, deegaan waliba waxaa ka taagan rag iyo dumar u tartamaya xilal kala duwan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gobolka xeebta ku yaal ee Mamabasa ay ka dhaceen rabshado yar sidoo kale magaalada Garissa xalay rasaas lagu dilay 1 ruux kuwo kalena ku dhaawacmeen.
Doorashadii ugu muhiimsaneyd ee dalka Kenya ka dhacdo laga soo billaabo 1960kii xilligii ay Kenya qaadatay xorriyadda. Ciidamada aya heegan ku jira si aad ah ayaa guud ahaan dalka iyo xuduudihiisa loo sugay.
Gobolka waqooyi bari dalka Kenya wuxuu kamid yahay deegaanada ay dadku u safan yihiin maanta doorashada waxaa ugu cad cad ragga xilalka sare ee Garissa County u tartamaya Governor Nadiif Jamac, Bunw Qorane iyo xubnno kale halka kursiga sanatorka ay ku tartamayaan Faarax (Dawaara), Yusuf Xaji. Sidoo kale waxaa jira Mp ama mudaneyaal baarlamaan oo fara badan.
Dalka Kenya waxaa u dareeray inay wax doortaan tiro ka badan 14 milyan oo dad ah. Doorshada ayaa la sheegay in la gabagabeyn doono 17:00 galabnimo ee maanta, natiijada doorashada ayaa sida hore loo iclamiyey lagu shaacin doonaa laba wiig gudahood.

Garissa
Afdheer.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it