Guddiga farsamada oo ka hadlay...
... [Wada akhri...]
Nairobi (Afdheer) Kenya waxaa ka socda doorasho ay dadku u codeynayaan 6 shaqsi oo ku tartamaya xizbiyo kala duwan in ka badan 10 milyan oo Kenyan ah ayaa codeeyey sida ay sheegeen guddiga doorashadu maanta subaxnimo (hadda) waxaa horeeya codadka la tiriyey Kenyatta.
Lama sadaalin karo natiijada waxaana socda tirinta codadka waxaana iman karta in isbadel ku dhaco natiijada maadaama gobollada iyo deegaanada kale ku kala duwan yihiin sida looga kala taageero.
Marka aan usoo noqonno Garissa waxay wararku sheegayaan in lagu kala horreeyo codadka Sanetor-ka si weynna ugu guuleystay mid ka mid ah musharrixiintii xilkaas u tartamayey.
Xilka Governer-ka oo codadkiisu isu dhow yihiin ayaa waxaa la filayaa in dhawaan la saadaalin karo shaqsiga guushu raaci doonto.
MP-yada Garissa County ayaa soo baxay, sidoo kale dowladaha hoose ayaa soo baxay isla xalay xilligii codad tirintu gabagabada aheyd.
Illaa hadda majirto natiijo la baahiyey oo ay caddeeyeen guddiga doorashada dalka Kenya waxaana sharci ah natiijada ay baahin doonaan guddiga doorashadu.
Garissa
Afdheer.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it