Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Wasiir Geele oo loo doortay xildhibaan dowladda federaalka Soomaaliya

Baydhabo (afdheer) Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) ayaa saaka doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka ku doorteen beeshiisu (Ogaadeen/Ciwlyagan) cod aqlabiyad leh.

 

Kursiga waxaa ku tartamay musharrixiin jifo hoose ah wasiir Geele ayaa helay 48 cod halka uu Cabdiqaadir Xaji Maxamuud Dhaqane helay 1 cod doorashadii saaka Xildhibaan Geele wuxuu noqonayaa xildhibaankii labaad ee beesha Ogaadeen/Cowlyahan ee laga doortay Baydhabo.

Wasiir Maxamed Jaamac Mursal (Geele) waa wasiir ka tirsan diwladda federaalka ah ee dalka Soomaaliya wuxuuna hore u soo qabtay xilal uu ka mid yahay xafiiska IGAD Soomaaliya.

Hambalyo xildhibaan wasiir Geele oo lagu tiriyo shaqsiyaadka ugu kartida badan madaxda diwladda Soomaaliya.

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Faafin: afdheer.com

 

 

 
TV Afdheer