Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Maxaa kaaga baxay heestii "Dayaxii Madoobaa" +VIDEO

Dalka Soomaaliya waxaa ka jirey fan horumar weyn sameeyey oo suugaanta Soomaalidu ku cabbiri jireen dareenka shacabka Soomaaliyeed wadani, jaceyl, madadaalo, iwm.

Heesihii lagu cabbiray aragtida Soomaalida meel ay joogaanba waxaa ka mid ahaa hees ay qaadi jireen Axmed Cali Cigaal iyo Khatra Daahir Cige oo la Oran jirey DAYAXII MADOOBAA hoos ka dhageyso:

Khatra: Dayaxii madoobaa haa wali nuur ma soo dirayeey

mugdi samada yaaliyo awrkii ma doogsadayeey

dadkeenii ma tabar galayeey ma dhibeen gumeysigiyeey ......

kuwii aabahay dilayeey dabkuu shiday awooweey anigana i duudsiyey duunyadiina iga dhacay dibindaabyadii hore doqoniimadii jaan ma ka diday jirkii ......

Maxaa la dilay maxaa nool......bal dalkii ka sheekee.

Dim lights

Heestaas waxaa baddalay heestan hoose oo la qaaday dhawaan kadib markii sida ka muuqata heesta dambe ay wax badan is baddaleen dhaliil walbana lagu micneeyey in horumar lagu baddalay.

Dim lights

Khatra: Dayaxii madoobaa haa waaka nuurka soo dirayeey

duqi samada yaaliyo xoolihiiba doogsadayeey

dadkeeniina tabar galayeey way garteen dantoodiiyeey

dugsiyaa la aadaa dalagaa la beertaa

dooxyadaa la jeexaa

biyahaa durdurayoo durdurkii durdurkii durdurkii

degaankii anaa tagayeey nolol baa dilaacdoo

dhalinyaro dadaashiyo hoggaan daacadaa u kacayeey

 

Faysal Tashi: Axmed gurey dabkuu shidayeey ee damay la nooleeyeey

Laxihii is badaba maray loo deji sidoodiiyeey

dadki wuxuu ku doogsadayeey deris iyo walaalnimo eey

Aqoonbaa la doontaa digriiyaa la qaataa

ardaydaa damaashaad degelkii la joogtee degelkii degelkii

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Faafin: Afdheer.com

 

 

 

 
TV Afdheer