Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Deegaanka Tigreey oo kaalmooyin gaarsiiyey deegaanka Soomaalida.

Jigjiga (afdheer) Sida ay sheegeen madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa kaalooyin kala gadisan deegaanka Soomaalida Itoobiya soo gaarsiiyey deegaanka qowmiyadda TIGREY.

Kaalmo lacageed, dawo iyo daaq ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyey Soomaalida Itoobiya oo ay haleeshay abaar baaxad leh kaalmada ay deegaanka Tigreegu soo gaarsiiyeen deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka mid ah 2 booyadood oo ah nooca biyaha dhaamiya.

Deegaanka Soomaalida guud ahaan waxaa ka jira abaar aad u daran oo naafeysay xoolihii iyo dadkii ree Miyiga.

Abaarta ayaa la sheegay inay ka sii dartay markii ay reer Miyiga deegaanka Soomaalida Itoobiya waayeen biyo la cabo dad iyo duunyaba.

deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa aaminsan in Qowmiyadda Tigreey ay tahay qowmiyadda ay siyaasad ahaan isugu dhow-yihiin qowmiyadaha dalka Itoobiya maadaama maamulkoodu Soomaalida Itoobiya ka heleen xooggaa xoriyad iyo waxbarasho ka wanaagsan dowladihii Qowmiyadda  Axmaarada ee xukunka dalka Itoobiya oo gumeysi aad u xun ku hayey qowmiyadda Soomaalida Itoobiya.

Faafin: Afdheer.com

 
TV Afdheer