Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya+VIDEO

Muqdisho (afdheer) Masuuliyiinta u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaliilay dhan walba siyaasadihii lagu soo maamulayey dalka Soomaaliya barnaamijka siyasadeed ee ay soo bandhigayaan musharrixiintu waxaa ka buuxa naceyb ay isaga raacsan yihiin faragalinta dalalka shisheeye ee aan rabin in soomaaliya abni ku soo noqoto.

Dim lights

Zakariye: Waryaa Soomaali ah ayaa halku dhag u ah wuxuuna awoodi waayey inuu qoraal u gudbiyo xildhibaanada xogaa khudbad fiican ah ayuu ka hor jeediyey baarlamaanka.

Hadalkiisa waxaa ka mid ahaa "Hoggaanka Soomaalida inay doortaan Shacabka soomaaliyeed baa iska leh dowladaha derisku faraha ha naga qaadaan ha noo dhaafeen dadkaanaga ha noo dhaafeen dalkaanaga".

Idoorta aan idin daryeelee.

Dim lights

Dr. Cabdiraxmaan Faroole:

Wuxuu ku dheeraaday ka hadalka federaalka khudbadiisuna uma muuqan mid si guud uu usoo bandhigay waxqabad nbuuxa hadaladiisii waxaa kja mid ahaa "Federaalku wuxuu ahaa mid aan ku raadineyno nidaamkii dowladnimada"

Dim lights

Sheekh Shariif:

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in uu dib u sixi doono khaladaadkii ka dhacay intii uu hayey xukunka dalka, sidoo kale uu  diyaarin doono garsoor, caafimaad, maamul wanaag gaara gobolada dalka Soomaaliya iyo inaan soo celiyo hanti soomaaliyeed wixii maqan, 2021 dalka cod iyo qofkii ayaan gaarsiinayaa.

Dim lights

Madaxweyne Xasan Sheekh:

Dalka waxaa laga hirgaliyey intii aan xukunka hayey dowlda 4 goboleedyo waxaanan sii xoojinay dowlad goboleedka puntland oo hore u sii dhisnaa, maaanta dhammaan maamuladaas waxay si buuxda u maamulaan deegaanada hoos yimaada, ciidamada Soomaaliya halkii 2012 waan ka sii hormaninay dhan walba, Madaxweyne Xasan sheekh wuxuu jeediyey khudbad dheeli tiran oo taabaneysa meelo badan. QABYO QOFKEEDAADHAMMEYSTIRA XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA WAXAAN KA CODSANAYAA INAY CODKOODA I SIIYAAN MAR LABAAD.

Dim lights

Dhallinyaradii jaamacadaha dhameyneysay markay galaaska 4aad gaaraan way naxaan halkii ay ka farxi lahaayeen sababtoo ah way adag tahay inay shaqo helaan, in la sameeyo xizbiyo ayaan culeys saari doonaa.

Dim lights

Khudbad qiima badan ayuu jeediyey waxaan hadaladiisa ka mid ahaa " dalkeenu wuxuu soo maray burbur, dagaalosokeeye, tarhiib iyo gaajo"  ¨hoggaan xumo ayaana ugu wacan, Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan daacad ah, Soomaaliya ma awoodi karto in xilka loogu dhiibo koox xoolo doon ah. waxaan ahay gurmad, aniga aqoon dheer iima laha xildhibaanada waayo anigu waxaan ahay dhakhtar ku nool qurbaha. Musharaxan wuxuu akhriyey khudbad qiimo iyo qiiro leh oo ah ka muuqatay karti. wuxuu sheegay inuu dalka u yimid sidii loo daweyn lahaa dhaawaca soo gaaray dalkeenna Soomaaliya.

Dim lights

Dowlad ama qaran waa dad, dal iyo xukun maanta markaan su`aal idin weydiiyo ma nahay dowlad isaga ayaa ka jawaabay wuxuuna yiri MAYA, wuxuuna sheegay in xuduudaheenna iyo madaxbanaanideena ay illaaliyaan AMISOM taasaana keentay in markii aan is qabano loo wada dacwoodo XALANE! waxaa qeybsan awoodii iyo madaxbanaanidii waxayna kala yaalaan awoodii dalku maamul goboleedyada iyadoo qeybsan.

Maamul goboleedyadu waxay ku dhismeen hanaan siyaasadeed laakiin kuma dhismin hamnnaan baarlamaan oo la ansixiyey waana muhiim in laga baxo hannaanka qabiil, nidaamka federaalku wuxuu ku yimid heshiis siyaasadeed wuxuu u baahan yahay inuu u gudbo heshiis siyaasadeed iyo mid mid bulsho.

50 oo ciidan ah ayaa dalka joogta isku dar abni ma sugna maxaa khaldan? abni, maamul dowli ah, cadaalad intaba dalka si fiican ugama hirgalin.

khudbadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxay aheyd khudbaddii ugu wanaagsaneyd ee ay jeediyeen dhammaaan tartamayaasha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Dim lights

Dim lights

Dim lights

 

 

 
TV Afdheer