Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Saadaasha madaxweynaha Soomaaliya 2017-2021..

Muqdisho (afdheer) Lama oran karo saadaal waa xaqiiq laakiin waa waaqica muuqda hadda oo la faahfaahiyey waxaana inta la ogyahay tartanka xildhibaanada hoggaaminaaya nadaxweyne Xasan Sheekh Naxamuud.

Tiro ka badan boqol iyo konton xildhibaan ayaa la aaminsan yahay inay ku jiraan khaanadda madaxweyne Xasan Sheekh.

Musharraxa ugu dhow ayaa la sheegay inuu heysto tiro ka hoosaysa afartan xildhibaan in kastoo qaarkood aan la hubin.

Aakhirka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay isku soo ururi doonto 3-4 tartame oo uu ka mid yagay Xasan Dheekh.

Rag saxaafadda Soomaalidu aad u hadal hayaan ayaan safan doonin cayaarta oo ku hadhi doona wareegga 1aad una gudbeynin wareegga 2aad waxaase la filayaa hal dhubuqlaha ragga siigada lagaga tagi doono inay tiigsan doonaan kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh oo u abaabulan qaab xizbi.

Saadaashu waa Xasan Sheekh in kastoo uusan wax is-baddel ah dalka ku soo kordhin 2012-2016 intii uu xukunka hayey.

Si kastaba ha ahaatee, Saadaasha muuqata waa Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doorto madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh waxaa taageersan inta badan dowlad goboleedyada dalka waxaase jira in wareegga 1aad xildhibaano badan dooran doonaan musharrax qabiilkooda ka soo jeeda ama xizbigiisa ka socda laakiin ugu dambeyn isugu biya shuban doonaan shaqsiga rasmiga ah kaasoo ah Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 
TV Afdheer