Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Soomaaliyeey Toosoo: Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo meelo badan laga soo dhaweeyey+VIDEO

Kismaayo (afdheer) Doorashadii tartanka xilka madaxweynaha Soomaaliya markii ay dhammaatay ee la doortay madaxaweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaayo waxaa Muqdisho iyo Kismaayo ka bilowday dabaaldeg lagu taageeray madaxweynaha cusub waxaana la riday xabbado badan labadan magaalo.

Dim lights

Kismaayo ayaa dabaaldeggu socdo saacado aad dhawaqa rasaasta looga maqlayey magaalada oo dhan.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Soomaalidu waxaa si weyn si la mid magaalooyinkaas laga sameeyey magaalooyinka Beledweyne, Cadaado, caabudwaaq, Gaalkacayo.

Sidoo kale dalalka deriska la ah Soomaaliya waxaa dabaaldegyo lagu taageeray laga sameeyey xeryaha qaxootiga ee dhadhaab, Garissa iyo xaafadda eastligh (islii) ee magaalada Nairobi dalka Kenya.

Farmaajo wuxuu u soo shaqeeyey wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waa 51 jir ku noolaa muddo dheer dalka Mareykanka oo dhalasho ka heysto wuxuuna tagay Mareykanka 1985tii wuxuu mar soo noqday ra`iisul wasaare dalka Soomaaliya waa shaqsi ay soomaalida dal iyo dibad aad u jecelyihiin mana aha nin aqoon dheer u leeyihiin Soomaali badan laakiin ay ku taageeraan mudo 6 bilood ah oo uu dalka ra`iisul wasaare ka ahaa iyo sida uu u muujiyey wadaninimo iyo dhiiri galinta ciidamada Soomaaliya.

 
TV Afdheer