Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Madaxweyne Farmaajo oo booqday madaxweyne Xasan.

Muqdisho (afdheer) Madaxweynaha la doortay mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tagay maanta madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha ladoortay ayaa la kulmay madaxwrynaha waqtigiisu dhammaaday mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxayna ka wada hadleen goorta iyo goobta xil wareejinta.

Madaxweyne Farmaajo markii uu imanayey xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaa la socday laba baabuur oo ay la socdeen ciidanka Soomaaliya ee loo yaqaano GAASHAAN wuxuuna ku laabtay isla baabuurtii uu watay.

Ma jirin jid loo xidhay iyo taangi amisom oo waardiye ka ahaa madaxweynaha la doortay mudane Farmaajo.

Sida ay Soomaali badan aaminsan yihiin mudane Farmaajo wuxuu leeyahay astaamo badan oo uu lahaa hoggaamiyihii kacaankii barakeysnaa allaha u maxariistee Mazamed Siyaad Bare oo ay kow ka yahay wadaninimo.

dhanka kale, maanta magaalada Kismaayo iyo Dhoobley waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayo nadaxweynaha la doortay mudane Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha waqigiisu dhammaaday mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taariikh wanaagsan ka tagay wuxuuna caan ku ahaa maamul wanaag in kastoo lagu dhaliilay inuu diidanaa nidaamka federaalka Soomaaliya.

faafin: afdheer.com

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
TV Afdheer