Joomla ThemesDeposit PokerNo Deposit Bonus
Web links
Allpuntland
Daily Nation-Kenya
Dhanaanmedia
Jowhar
Jubalandtv
JubbalanadNEWS
Star FM radio
JubbalandMEDIA
Jubaland24.
Hiiraan
RAIO muqdisho
SAADAALnews
Somali-STATE

Afdheer oo abaar iyo cudur loogu dhintay.

Hargeele (Afdheer) Gobolka afdheer waa gobol ka tirsan deegaanka soomaalida Itoobiya waxaana ka jira abaar iyo cudur ay u dhammaanayaan dadku.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay waxaa jira tiro ka badan 15 ruux oo ku dhintay gobolkaas una dhintay abaar iyo cudurka shuban biyoodka, waxaa maalmo ka hor dhintay dad badan oo ku sumoobay biyo loogu soo dhaamiyey booyado

Dadka dhimanaya ayaa u badan caruur, waayeel iyo dadka ay jilcisay abaartu. qaar ka mid ah dadka shuban biyoodku helay ayaa loola cararay dhanka deegaanka Oromada si loo badbaadiyo

Deegaanno badan oo ka tirsan goboolkan afdheer ayaa looga cararay biyo la,aan iyo xoolahii oo baad iyo biyaba  waayey sababta ayaa lagu sheegay in gobolkan uusan laheyn oo aan laga qodin ceel matoor (Mashiin) marka laga reebo dhowr matoor maadaama dadka iyo duunyada ku nool gobolkan intooda badan ku tiirsanaayeen biyaha webiyada.

Qiyaas nus milyan (500.000 ruux)  oo ka mid ah dadka ku nool gobolkan ayaa u baahan gargaar deg deg ah kuwaasoo qaarkood u dhimanayaan cudurka shuban biyoodka loo yaqaan oo ka dilaacay gobolka.

Dowladda deegaanka ayaa looga baahan yahay inay si buuxda uga howlgasho gobolka afdheer kana qeybqaadato badbaadinta dadka u dhimanaya cudurada iyo gaajada, waxaana hubaal ah dadka gobolkaas inay arkaan maamulka Jigjiga inuusan gudan ilaa hadda waajibaadkiisa.

Shacabka soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan badbaadinta boqolaal qarka u saaran geeri maadaama aysan dadkaasi heysan dawo iyo daryeel toona.

 

 
TV Afdheer